Uncategorized

Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ee BFS oo go’aan ka soo saaray Khilaafka hogaanka Galmudug.

Muqdisho-KNN-Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug ee ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hogaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaan oo ka kooban Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa baaq loogu jeediyay Labada dhinac, sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay iney xooga saari doonaan sidii ay Isfaham uga dhax Abuuri lahaayeen dhinacyada ku kala aragti Duwan hogaanka Maamulka.