Muqdisho-KNN- Waxaa maanta magaalada Muqdisho hoteel ku yaala ku kulmay xildhibaano badan oo sheegay in ay gaarayaan 195 xildhibaan kuwaa oo mooshin ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa waxaa ku jira oo la arkayay qaar kamid ah wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo ka tirsan golaha shacabka , Waxaana kamid ahaa wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Maxamed Abukar Islow , Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye , iyo kuwo kale.
Waxaa ay markale ku celiyeen baaqi ahaa in gudoomiye Jawaari iscasilo kahor inta aan cod loo qaadin.
Waloow ay tirada kulanka xaadirka ahayd ka yartahay 190 ayaa hadana xildhibaano hadlay waxaa ay sheegeen in hoolka ay ka Maqanyihiin xildhibaano saxiixay mooshinka.
Tani ayaa ah mid muujineysa in wali uu socdo baratanka siyaasadeed ee u dhaxeya dhinacyada ay u qeybsanyihiin xildhibaanada Golaha shacabka ee kuwa keenay mooshinka iyo kuwa diidan intaba.
Waxaana sidoo kale uu imaanayaa maalin un kadib markii gudoomiye Jawaari uu sheegay inuu aqbalay mooshinka dalbadayna In maalmo kooban gudaheed lagu horgeeyo kulanka Golaha Shacabka .