Somali News

Xildhibaanada oo maanta kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay  kulan ku yeeshaan  xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas oo loo balan sanaa in laga doodo ,arbacadii la soo dhaafay, inkastoo uu baaqday.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo muujinaya in kulanka Golaha shacabka uu maanta furmaya, iyadoona xildhibaanada lagu amray in aysan ka maqnaan Karin kulanka.

Dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaad Golaha Shacabka ayaa waxaa uu soo bilowday todobaadkii hore.