Uncategorized

Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday ee Hirshabeelle oo lagu eedeeyay inay hurinayaan khilaafka dhismaha maamulka cusub

Muqdisho-KNN-Dhisidda Hirshabeelle cusub oo loo dhan yahay ayaa u muuqata in uu hareeyay khilaaf salka ku haya, qaabka doorashada ee ay ugu horreyso soo xulista xildhibaannada Labaad ee maamulkaasi, doorashada guddoomiye Baarlamaan, ku xigeenadiisa iyo madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen.

Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  iyo madaxwaynihii ka horreeyay Cali Cabdullaahi Cosoble waxaa ay kasoo jeedaan gobolka Hiiraan, halka labada madaxwayne uu ku xigeenka uu u ahaa Cali Guudlaawe Xuseen oo kasoo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe.

Odoyaasha dhaqanka ee ku haybta ah Cosoble iyo Waare waxaa ay ku doodayaan in marwalba ay qasab tahay, in beeshooda uu ka yimaado madaxwaynaha haddii aysan taasi dhinacna maamulkan uu kala go’i doono.

Cali Guudlaawe iminka waa musharax u taagan xilka madaxwaynenimo ee maamulka Hirshabeelle waxaa ay isaga iyo beeshiisa ay iyaguna ku doodayaan in uusan horay u jirin wax heshiis ah oo qeexaya in madaxwaynaha markastaa gobolka Hiiraan  uu ka yimaado taas badalkeedana ay doorashada noqonayso tartan furan oo cidkasta ay ka qayb gali karto.

Dad badan oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa aaminsan in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku lug leedahay khilaafka ka taagan maamulkam, si lamid ah 2016  markale maamulkan muran iyo qanacsanaan la’aan beelaha ah lagu hirgalin karo.

Xoga ay helayso KNN ayaa muujinaya in kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo madaxwayne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan waxaana looga hadlay arrinta doorashada madaxwaynaha.

Ma cadda halka uu sal dhigan doono geeddiga doorasho ee maamulkan uu ku jiro waqtigan!!.