Somali News

Xildhibaanadda lagu soo kala doortay Ceel waaq & Garbahaarey oo buuq ka dhaliyay Xarunta Villa Hargeysa

Maanta xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, waxaa ka dhaceysa munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), isagoo xilkaas kala wareegaya Guddoomiyihii 10-aad ee Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka uu xilka kala wareego Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Mursal waxaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu kula hadlayo Xildhibaannada golahaas.

Sidoo kale, kulanka maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka taagan dood la xiriirta Xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey, kadib markii ay Xildhibaanadaas gudaha usoo galeen xaruntii baarlamaanka ee VIlla Hargaysa taasi oo dhalisay buuq iyo dood.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga fadhiyaa sida uu ka yeeli doono dooda ka taagan Xildhibaanadaan 32-ka ah ee lagu soo kala doortay Magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay gali doonaan  fasax maalmo kooban ah taas  oo ah inta lagu guda jiro Ciidul-fitriga, iyadoo Guddoomiye Aadan Madoobe u sbaacin doono waqtiga Xildhibaannada dib ugu soo labanayaan xaruntooda,  maadaama Doorashada Madaxweynaha ay sugeyso.