Somali News

Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo gaaray Hoolka Doorashada ee Afisyooni

Xarunta teendhada Afisyooni oo ay ka socoto diyaar garoow ku aadan doorashada guddoonka Golaha shacabka, waxaa wali ku sii qul qulaya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, xili Guddiga guddoonka doorashada ay sheegeen inay ka go,an tahay inay maanta qabtaan doorashada guddoonka Baarlamaanka.

Inta badan xildhibaanadii Golaha Shacabka ayaa gaaray xarunta, waxaana lagu wadaa inay doorashada si rasmi ah u bilaabato, maadama ay ka daahday wakhtigii loo asteeyay oo ahayd in la bilaabo barqanimadii maanta.

Goordhow waxaa hoolka doorashada ee guddoonka Golaha Shacabka soo saaray Xildhibaanadii 16-ka ahayd ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana hoggaaminayay Maxamed Soomaali oo ah Wasirka Xananaada xoolaha  Soomaaliya kana Mid ahaa xikdhibaanadi halkaas lagu soo doortay.

Talaabadaan xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay ku tageen hoolka doorashada guddoonka ayaa kusoo aadeysa, xili wali aan wax xal ah laga gaarin doodii ka taaganeyd sida laga yeelayo Xildhibaannadii lagu soo doortay Magaalaalada Garbahaarey, maadama guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka ay qaarkood sheegeen in aysan ka qeyb galeen Xildhibaanadii lagu soo kala doortaay Garbahaarey iyo Ceelwaaq doorashada Guddoonka golaha ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale, tani ayaa u muuqato sida dad badan ay qabaan in khilaafka guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka uu cirka isku sii shareeri karo islamarkaana uu saameyn ku yeesho doorashada, balse lama waxa xigi doona talaabadaan oo ay qaadaan xubnaha guddiga doorashada guddoonka ka tirsan, xili si weyn ay kaga soo horjeedaan ka qeyb galka doorashada guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Gedo.