Uncategorized

Xildhibaanadii Tagay Cadaado oo rajo ka muujiyay Xal u helidda Khilaafka Galmudug.

Cadaado-KNN-Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa soo sheegayo in la isku mari la yahay xal u helidda xiisada ka dhax oogan Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya ee Cadaado u tagay qaboojinta Xiisadaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay xal u helaan dhibaatada deegaanka ka taagan.

Sen. Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid Xildhibaanada ku baxay Xiisadda Galmudug ayaa wareysi ay siisay Idaacadda kulmiye waxa ay ii sheegtay in Labada dhinac ay dhageesteen Tabashadood Islamarkaana ay hada wadaan sidii la isugu keeni lahaa balse aysan aheyn wax fudud.

Wararka madaxa Banaan ee aan ka heleyno Cadaado ayaa soo sheegayo in ay jiraan qodobo labada dhinacba aysan isku fahmi karin waxayna tabashada ugu badan ka imaaneysaa Gudoomiyaha Baarlaamanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaana sharuudo ay soo bandhigeen sida la sheegay ka hor yimid Madaxweyne.

In xal laga gaaro Muranka ka taagan Cadaado ayaan aheyn Arin fudud markii loo eego 3 ka mid ah qodobada la isku heesto.