Somali News

Xildhibaannada Ceelwaaq la diiday in laga saaro Hoolka Doorashada Afisiyooni

Wararka naga soo gaaraya Teendhada Afisiyooni oo ay goordhow ka billaabaneyso Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka oo ka dhago adeegay dalab ku aadan in Hoolka laga saaro 16 Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha ay u tageen Xildhibaanno is-xilqaaday, si looga fogaado buuq iyo qalalaase ka dhasha Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaa weli taagan khilaafka la xiriira kuraasta Gobolka Gedo oo lagu kala doortay Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Fadhiga ay Golaha Shacabka ku dooran doonaan Guddoonka cusub ayaa daqiiqado ka dib lagu wadaa in uu furmo, waxaana goobta ku sugan mas’uuliyiin kale oo kor joogteyneysa.