Somali News

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fasax kooban galay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galay fasax laba toddobaad ah, kaasi la xiriira Xajka iyo Ciida-carafo.

Fasaxa ayaa ka bilaabanaya 1 bisha Luuliya, isaga oo ku eg 15 bishaan, sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Madoobe.

Xildhibaannada ayaa la faray in 16 bisha ay soo xaadiraan fadhiga Baarlamaanka, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa horyaalla sharuuc badan oo ay soo gudbisay Xukumadda Federaalka.

Hoos ka akhriso Warqada