Somali News

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay  kulan ku yeeshaan  xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah  Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Duulista Hawada ee Rayidka iyo Akhrinta 3aad ee Xisaab Xirka Sanadka 2017.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo muujinaya in kulanka Golaha shacabka uu maanta furmaya, iyadoona xildhibaanada lagu amray in aysan ka maqnaan Karin kulanka.

Amaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay Aad loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la dhigay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.