Somali News

Xildhibaannada Jamhuuriga oo ku biiray mooshinka xil ka qaadista Trump

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dalka Mareykanka ayaa laga filayaa in ay cod u qaadaan mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne Donald Trump, sababo la xiriira rabshadihii ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu taageerayaashiisa ku dhiirrigaliyay inay weerar ku qaadaan dhismaha Capitol ee xarunta u ah baarlamaanka iyo laamaha dowladda. Shan ruux ayaa ku dhimatay qalalaase halkaas ka dhacay.

Xubno ka tirsan xisbiga uu Trump kasoo jeedo ee Jamhuuriga ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ay ku biiri doonaan ololaha xisbiga Dimuqraaddiga ee xilka looga qaadayo, iyadoo si rasmi ah madaxweynaha loogu soo oogayo dacwad ku saabsan in uu abuuray kacdoon ka dhan ah maamulka dowladda..

Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay qalalaasahaas.

Rabshadaha ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dhacay kaddib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen magaalada Washington ugu sheegay in “ay u dagaallamaan si daran” kana soo horjeestaan natiijadii kasoo baxday doorashadii dhacday bishii November.