Somali News

Xildhibaannada labada gole ee BFS oo markale su’aalo weydiiyay wasiir Beyle.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta markale kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022.

Xildhibaanada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maalintii shalay hortagay Xildhibaanada.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayey Xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo adeg ka weydiiyeen Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee shanti sanno ee lasoo dhaafay, wuxuuna Wasiirka su’aalaha la weydiiyay ay doodo ka dhex dheliyeen Golaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu eedeeyay in Wasiiraddiisa aysan xisaab xir sameeynin dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo Wasiirka ku dooday in xisaab xir la sameeyay.