Uncategorized

Xildhibaannada Uganda oo gacanta isula tegay

Buuq iyo is-riix riix ayaa ka dhacay baarlamaanka dalka Uganda, goor xildhibaannada ay ka doodayeen in dastuurka waddankaasi laga saaro xadidaada da’da madaxweynaha.

Muuqaal laga soo duubay baarlamaanka ayaa muujinaya mudanayaasha oo gacanta isula tegay, ka dib markii la sheegay in xildhibaan uu qori lasoo galay hoolka shirka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ayaa amray in lasoo saaro qoriga, balse waa la waayay sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Arinta xadidaada da’da madaxweynaha ayaa xiisad siyaasadeed ka dhalisay Uganda, maadama madaxweyne Yoweri Museveni oo hadda 73 jir ah aanu dastuurka u ogaalaneyn inuu markale tartamo.

Dastuurka ayaa dhigaya in da’da madaxweynaha aanay ka weynaan 75 sano jir.

Museveni ayaa xilka hayay tan iyo 1986, asagoona si dimuqraadi ah loo doortay ilaa sanadkii 1996.

Balse xadidaada da’da ayaa ka horjoogsan doonta inuu mar lixaad u tartamo xilkaas doorashada dhacaysa sanadka 2021.

Xisbigiisa NRM ayaa ku howlan sidii dastuurka looga saari lahaa qodobka xadidaya da’da madaxweynaha.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay inay muddo 20 daqiiqa ah qaadatay in kulanka baarlamaanka uu caadi kusoo noqdo.