Uncategorized

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Goor Dhow u duulay Magaalada Cadaado

Muqdisho–KNN– Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo isugu jira Labada Aqal ayaa Goor dhow ka Dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay ku siijeedaa Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug islamarkaana ay ka jirto Xiisad Siyaasadeed oo Cirka isku Shareertay.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa KNN u sheegay in Diyaaraddii siday Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ay hadda ka baxday Garoonka aadan Cadde oo ay tagi doonaan Magaalada Cadaado si Khilaafka xal loogu helo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday Wararka sheegaya in Xildhibaanno ka mida Baarlamaanka galmudug ay Xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.