Uncategorized

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Cadaado

Cadaado–KNN– Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor dhow ka dagay Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug,kuwaas oo ku baxay Xal u raadinta Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada oo Diyaarad Gaar ah Maanta ka raacay Magaalada Muqdisho ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado,waxaana soo dhaweeyay Madax ka tirsan Galmudug.

Xildhibaanada oo isugu jira Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay Kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan Madaxda maamulka Galmudug si Khilaafka loo damiyo Xalna looga gaaro waxa la isku hayo.