Uncategorized

Xildhibaano booqday Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo u xiran Dowladda.

Muqdisho-KNN-Xildhibaano ka tirsan Guddiga loo xilsaaray Kiiska Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Xarunta nabad sugidda Qaranka ku booqday waxayna Idaacadda Kulmiye uga Warbixiyeen Xaaladda Maxbuuska.

Xildhibaan C/xakiin Macalim Axmed oo ka mid ah xubnaha booqday ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay soo arkayn Maxbuuska Islamarkaana ay xaaladiisa wanaagsan tahay, waxa ay sidoo kale sheegeen in uu ku jiro gacan amaan ah iyo meel wanaagsan oo aan la gilin Xabsi balse ay ka maqan tahay Xuriyadda oo kaliya.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa KNN u sheegay in dhaawaca soo gaaray C/raxmaan Cabdi Shakuur uu yahay mid yar dhaqtarna la geeyay hadane aysan jirin wax culees oo dhinaca caafimaadka ah.

Dhinaca Guddiga ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u mareyso wadahadalo arintaan ku saabsan oo ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha sidii uu xuriyadiisa u heli lahaa Siyaasigaan.