Somali News

Xildhibaano cusub oo maanta la dhaariyay

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhow si toos ah u furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa hada lagu dhaariyay kuraasta sedax Xildhibaan oo dhowaan ku soobiiray Golaha Shacabka. 

Xildhibaanada ku cusub Golaha Shacabka ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah 1-Nuur Siidow Baaba, 2-Cali Sheekh Cabdullahi  iyo 3-Cali Cadow Maxamed, Xildhibaanadaan maanta la dhaariyay ayaa dhowaan lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Hada ayaa xarunta Golaha Shacabka waxaa ka bilaabatay codaynta laba kursi oo ka banaan Guddiga lasocodka iyo dib u eegistiisa Dastuurka dalka.