Somali News

Xildhibaano hore oo ka Cabanaya Mushaar ka maqan

Muqdisho-KNN-Xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaankii Sedeedaad ee Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee dalka, ayaa sheegay in Dowladda haatan ka arimisa dalka ay ka doonayaan mushaar mudo sanado ah ka maqnaa.

Waxa ay sheegeen in kol hore Dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya ay u balan qaaday inay bixin doonto xuquuqdoda ka maqan.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wasaarada maaliyadda ayay sheegeen in ay horay ugu gudbiyeen liiska Xildhibaanada iyo tirada lacagta ka maqan  balse aysan wali ka helin.

Ex Xildhibaan Cabdulle Faarax  Xirsi iyo Shiikh Xuseen Cismaan Cali oo lahadlay KNN ayaa sheegay in ay soo wakiisheen Xildhibaanadii kale oo aygu sida ay sheegeen qaarkood  xanuunsanayaan isla markaana waxa ay dowladda Soomaaliya Cod dheer ku weydiisteen xaquuqdooda kamaqneed sanado badan.

Cabashadaan Xildhibaanadaan  ayaa kusoo aadeysa ayada oo Ra’iisul Wasaare Khayre mar uu hadlayay uu sheegay in Dowladdisu gabi ahaanba bixisay dey mihii lagu lahaa dowladihii hore ee dalka soomaray.