Somali News

Xildhibaano iyo mas`uuliyiin kale oo ka hadlay meedad aan la garaneyn cida dishay oo lagu arkay magaalada Wajeer

Wajeer-KNN-Waxaa dood iyo isqabqabsi uu la dhashay labo qof oo meydadkooda lagu arkay magaalada Wajeer ee Gobolka waqooyi Bari dalka Kenya kuwaas oo aan la ogeyn cidda dilkooda ka dambeysa.

Gudoomiyaha magalada Wajeer iyo sidoo kale Xildhibaan laga soo doortay Wajeer ayaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay iyaga oo sheegay in dhacdadaasi ay qeyb ka tahay ammaan darada ka jirto gobolka.

Labada ruux ee meydadkooda la helay ayaa lagu soo waramayaa in ay ahayeen Shacab aan waxba galabsan waxaana sidoo kale raqdood Iyo ruuxood lala’yahay labo qof oo kale kuwaaas oo mar qura la waayay iyaga iyo kuwa meydadkooda la helay.

Lama oga sababta la dambeysay dilka dadka la sheegay in ay rayid ahayeen, laakiin waayadii dambe ayaa waxaa jira cabsi xun oo dadka deegaanka ay qabeyn, kadib markii dagaalamayaasha Alshabab ay weeraro iyo toogasho ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya oo wajeer ay ka mid tahay