Somali News

Xildhibaano iyo Wasiiro baaq u diray Dowladda Soomaaliya

Mar ay warbaahnta kula hadleen Muqdisho ayay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaanada juballand gaar ahaan gobalka Gedo waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka heysta shacabka kunool gobalkaasi oo ay ugu horeyaan abaaraha iyo duqeymaha Kenya.

Waxa ay sheegeen in dadkii kabarakacay deeganaada gobalka Gedo iyo xoolihii ay wateen ay hadda u dhimanayaan abaar iyo biyo la’an baahsan oo soo wajahday, waxaana madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya , hay adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi ay dhibaatada hayso.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddooda ay qorshooyin u dajiyeen dadka ay saamaysay biyo la’anata .

Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay dabagal kusameeyaan lacagaha loogu talagalay in wax looga qabto arrimaha biyaha dalka kuwaas oo uu tilmaamay in siqaldan loo isticmaalo.