Uncategorized

Xildhibaano iyo Wasiiro ka hadlay Maydadka dadkii lagu dilay Bariire oo maanta la Aasayo.

Muqdisho-KNN-Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya  iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka  ayaa maanta waxaa ay ka qeyb galayaan Aas loo Sameynayo Dadkii Dhawaan lagu dilay Deegaanka Bariiri ee Gobalka Sh.Hoose.

Masuuliyiintan ka Tirsan Dowlada iyo Odayaasha Dadka Laga Dilay ayaa isku Afgartay in meydadka la Asturo,islamarkaana la Aaso,Waxaana La filayaa in Saacadaha Soo Aadan la Aaso Meydadka dadkii lagu laayay Deegaanka bariiri ee Gobalka Sh.Hoose 25-ka Bishan August oo aan ku guda jirno.

Dowlada federaalka Soomaaliya  ayaa Dhawaan Gudi Baara u xilsaartay cidii ka dambeysay   Weerarkii ka dhacay deegaanka bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose,kuwaasi oo Maalmihii la soo dhaafay tagay Deegaanka ay ay Wax ka dhaceen,islamarkaana kulano la qaatay Dadka Deegaanka Bariiri,iyagoona weydiinayay dadka  sida ay wax u dhaceen.

Markii ay Soo Dhameysteen Baaritaankooda ayay Dib ugu soo laabeen Magaalada Muqdisho,iyagoona Gudigan Warbixinta ay la Wadaagi doonaan Madaxda Dowlada.

Saacadaha Soo aadan ayaa la filayaa in dowlada Soomaaliya ay War cad ah ka soo saarto Sida ay Wax u dhaceen,Sababta keentay inuu Weerarkaasi dhaco iyo Cidii ka Dambeysay in dadkaasi lagu laayo Deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadkan la dilay ayaa waxaa ay Gaarayeen 10 qof oo ay ku jiraan 3 Caruur ah,Waxaana Dhacdada Bariiri sii kala Duwan ugu hadlay Wasiiro ka Tirsan Dowlada Soomaaliya.,iyadoona Markii dambe R/Wasaaraha Soomaaliya uu amar  culus dul dhigay Wasiirada ka tirsan Xukuumada Soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa inaysan ka hadli Karin Arimaha Xasaasiga ah,Hadii ay ka hadlayaan inuu ka warqabo R/Wasaare Xasan CalI Kheyre.