Uncategorized

Xildhibaano ka socda Jawaari oo kulan la leh M/Farmaajo.

Muqdisho-KNN-Guddi Xildhibaano ah oo ka tirsan garabka Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa hada kulan madaxtooyada Soomaaliya kula leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa KNN u xaqiijiyay in hada kulanka socdo waxaana looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Baarlamaanka.

Gudigaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin 7 xubnood oo ka socda garabka guddoomiye Jawaari, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doono guddi kale oo ka socda dhinaca Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudey.

La soco wixii ku soo kordha.