Somali News

Xildhibaano ka soo horjeestay Wasiirada cusub ee HirShabeelle.

Jowhar-KNN-Iyadoo shalay galab Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi waare uu soo dhisay Gole Wasiiro cusub ayaa arintaasi waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle.

Xildhibaan Ibraahim Maxamed Cali oo wareysi siyay KNN ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay qaabkii ay wax u dhacayn. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayuu ku eedeeyay inuu ku fashilmay fulinta balan-qaadkiisii ahaa inuu soo dhiso doono Xukuumad Tayo leh.

Xubnaha Wasiirada ee shalay la magacaabay ayaa u badan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi. Madaxda HirShabeelle waxaa lagu eedeeyaa waxqabad la’aan iyo khilaaf joogta ah, Wasiirada cusub ayaa laga dhowrayaa iney wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira degaanada Maamulkaasi.