Uncategorized

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka oo mooshin ka wada Guddoomiye Jawaari.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Barlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Mohamed Sheikh Osman Jawaari ayaa wajahaya Labo Mooshin oo is bar bar socota oo ay ka diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada diyaariyay Mooshinka oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in ay ugu yaraan 50 Xildhibaan ay gudbiyeen Mooshin ka dhan Guddoomiye Jawaari mooshinkaas oo lagu daray Ajandaha Golaha Shacabka sidoo kalane hada lagu howlan yahay Mooshin kale oo looga soo horjeedo Prof Jawaari.

Mooshinkii hore loo gudbiyay ee lagu soo daray Ajandaha Golaha Shacabka ayaa ku qotamay Qaladaad ka jira dhismaha Guddiyada Baarlamaanka murankaas oo soo bilaawday markii la dhisay Guddiyada.

Mooshinkaan ayaa waxaa dabada ka riixaya Qaar ka mid ah Guddoomiyaashii hore ee Guddiyada Joogtada ah oo intooda badan na siib u yeelan in ay xilalkoodii ku soo laabtaan.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Kulamada Golaha Shacabka u baaqday muran ka jira Xildhibaanada Gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay.

Dhinaca kale maanta Labo Hotel oo ku yaala Muqdisho waxaa ka soconaya Diyaarinta Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uuna noqonayaa Mooshinkii Labaad oo ka dhan ah Jawaari.

Xildhibaanada ku mashquulsan Mooshinkaan oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in salka uu ku haayo Mooshinka ay qorayaan ku takri fal awoodeed oo ay ku eedeeyeen jawaari.

Waxyaabaha muranka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah tirada Shaqaalaha ee Golaha Shacabka iyo Lacag lagu sheegay Qaaraan oo bil walba laga jaro Xildhibaanada.

Xildhibaanada aan lahadalnay ayaa KNN u sheegay in tirada Shaqaalaha ee Golaha Shacabka ay gaarayaan 380 Qof oo mushaari ah dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 40 qof.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa sheegay in bil walba mushaarkooda laga jaro lacag $100 oo ah qaaraan loo qorsheeyay Xildhibaankii dhinta ama xanuun iyo dhib kale soo gaara lacagtaas oo aan la ogeyn halka ay ku baxday Sanadihii dambe Islamarkaana aysan ogeyn Xildhibaan dhib soo gaaray.

Safarada dibadda ee Guddoomiye jawaari ayaa sidoo kale la sheegay in uu muran ka taagan waxaana Guddoomiyaha lagu eedeeyay in Shaqsiyaad ku dhaw dhaw Xafiiskiisa oo kaliya ay u raacaan Safarada Dibadda ah.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono Mooshinka laga wado Prof Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari. Guddoomiye Jawaari oo ah aqoon yahaan ku hadla ilaa 5 Luqadood ayaa 5tii Sano ee la soo dhaafay Guddoomiye u ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Afartii sano ee la soo dhaafay waxa uu ka dhax muuqday Dowladda madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud balse Xili siyaasadeedkaan Cusub ayaa dadka siyaasadda falanqeeya ku tilmayaan in uu ka gaabiyay Shaqadii looga bartay sanadiihii la soo dhaafay.