Somali News

Xildhibaano ka tirsan Baarlmaanka Venezuela oo Khiyaano lagu eedeeyay.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Sare ee Venezuella ayaa ku eedeeysay Afar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Khiyaano Qaran, maalmo kadib markii ay sidaan oo kale 10 Xildhibaan ku eedeeysay in ay dalka Khiyaameen.

Dhamaan Xildhibaanadaasi waxay taageereen Hogaamiyaha Mucaaradka Juan Guadio oo Bishii January ee Sanadkaan sheegtay in uu yahay Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee wadanka.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Hal Xildhibaan ayaa la xiray dhowr kale Safaarado ayey qoxooti ahaan u galeen si ay xarig uga badbaadaan.

Talaadadii ayaa sidoo kale Ciidanku waxay xirteen Xaruntii baarlmaanka ee Wadanka. Talaabadaan aya loo arkaa in ay uga sii dareeyso xaaladda murugsan ee Venezuella.