Nairobi-KNN-Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Boqolaal shacab ah ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya ku soo dhaweeyay C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax” oo ku dhawaad 10 Bilood ku xirnaa Xabsi ku yaala magaalada Adis Ababa ee Xarunta Itoobiya.
C/kariin Qalbi Dhagax oo maalmo ka hor laga soo daayay Xabsi ku yaala Itoobiya ayaa Nairobi u gaaray sidii uu usoo Booqan lahaa Qoyskiisa iyo Ehelkiisa iyo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Wadankaasi.
Dadka soo dhaweeyay Qalbi Dhagax waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Qalbi dhagax ayaa la hadlay Boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay Wadooyinka Nairobi iyo Goobtii ay ka socotay Xafladda ee Dalka Kenya.
Maalmo ayuu ku soo qaadan doonaa Kenya, waxaana kadib la sheegay inuu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan Dalka Itoobiya.