Uncategorized

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo Mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Cadaado–KNN–Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Mooshinka la sheegay in Xildhibaanada ay ka keeneen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug ayaa imaanaya Xilli Khilaaf Xoog leh uu u dhexeeyo Madaxweynaha Maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Kuxigeenkiisa iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Kulmiye ayaa sheegay inuu ku jiro Xabsi guri islamarkaana laga jartay Korontadii Gurigii uu Xabsi guriga ku ahaa sida uu hadalka u dhigay.