Muqdisho-KNN- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay dacwad ka gudbiyeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Mahad Cabdalla Cawad inuu si qaldan u maamulay kulankii Sabtidii ee Golaha Shacabka,kaas oo looga doodayay Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.
Mudanayaasha ayaa dalbanayay in tillaabo adag laga qaado Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay xeerka Golaha Shacabka uuna qaatay go’aan caburin ah.



