Uncategorized

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo sheegay inay ka fekaraya qofka ay Guddoomiye udooranayaan.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay ugu feegjignaan lahaayeen, Guddoonka Golaha shacabka ay u dooranayaan in uu noqdo mid Curyaamiyada shaqada iyo madaxbanaanida Golaha shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa iska casilay xilkaas kadib markii uu hareeyay khilaaf muddo soo jiitamayay oo uu ku eedeeyay in Xukumadda Kheyre ay gadaal ka riixeysay.

Waxaa weli jira shaki ku aadan sida Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka loo dooran doono ugu madax banaanaan karo faragelin uga timaada hay’adaha kale ee Dowladda ama Laanta Fulinta.

Xildhibaan Maxamuud Beenabeene oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ka mid ah Xubno ka tirsan golaha oo qaba walaaca ku aadan in Guddoomiyaha cusub uu nodo mid ay wadato hay’ada fulinta ee Dowladda Soomaaliya.