Baydhabo-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada baydhabo ee gobalka bay ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulkaasi, kaas oo ay uga hadleen Mooshinka ka dhanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada kulankaasi goobjooga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,Waxaa uuna Sheegay in ka arrinsadeen Aayaha Maamulkaasi, si loo saxo khaladaadka haatan ka jira hoggaanka Maamulkaasi.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed in ay taageeraan Baarlamaanka, koofur galbeed, islamarkaana ay ka tashadaan Mustaqbalka Maamulkaasi.
Warar kala Sheegaya in madaxweyne Shariif Xasan sheikh Aadan uu isna wado kulamo gooni-gooni ah uu la yeelanayo Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka koofur galbeed.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa mooshin ay wadaan Xildhibaano ka Tirsan maamulka koofur galbeed Soomaaliya iyo Xildhibaano kale oo taageersan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.