Beladweyne-Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta bilaabay kulamo ay la qaadanayaan Odayaasha iyo waxgaradka gobalkaasi sida ay noo sheegeyn Xildhibaanada qaar.
Xildhibaanada ayaa u suurta galaya xaaladda amaan ee gobalka, murankii ka taagnaa Isticmaalka Lacagta shilinka Soomaaliga oo maran badan ka taagnaa waayihii dambe iyo Guud ahaan xaaladda gobalka.
Odayaasha iyo waxgaradka ayaa xildhibaanada warbixin ka siinaya xaaladda gobalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo siyaasadda, sidoo kale Xildhibaanada ayaa qaabilaya Ganacsatada kuwaas oo wax laga weydiin doono dhibaatada ka taagan diidmada Isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah.
Socdaalka Xildhibaanada ayaa ku soo aadaya xilli ay magaalada Beladweyne duleedkeeda ka socdaan dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, dagaalkaasi oo ay deegaano kula wareegeyn Ciidamada Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ku xoogan gobalka Hiiraan, waxaana la sheegay in ay gobalka gaareyn kadib markii ay ay korartay duqeynta loo geysanayo xarumahoda ku yaala koofurta Soomaaliya.