Muqdisho-KNN- inta ay socotay munaasabadda furitaanka kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la dhaariyay ilaa sadex xildhibaan oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ku soo biiray kadib markii ay ku soo baxeen doorashooyin.
Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa ka soo kala jeeda Deegaanada Somaliland, Jubaland iyo Hirshabeelle, waxaana ay ka mid noqdeen Golaha shacabka Soomaaliya , waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.
Xildhibaanada ayaa kala ah Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo lagu soo doortay magaalada Jowhar , Xildhibaan Maxamuud Cabdulahi Siraaji oo kismaayo lagu soo doortay iyo Xildhibaan Fatxi Saciid Xasan oo Muqdisho lagu doortay.