Somali News

Xildhibaano ku shiray Cadaado oo Sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf

Cadaado-KNN-Qaar ka mid ah  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo maanta  shir ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Tirada Xildhibaanada sheegay in Xilka ay ka qaadeen  Madaxweynaha galmudug ayaa gaaraya 47 mudane oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee maamulka, iyadoona kulanka uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir  oo dhawaan xilka laga qaaday.

Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sidaasi ku soo daabacay bartiisa twitter-ka.

Mooshinada iyo Xil ka qaadista ayaa waxaa ay  sii hurin karaan Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Hogaanka ugu Sareeya ee Maamulka Galmudug.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya Kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaanada ku kala sugan Magaalooyinkaasi.