Somali News

Gen. Odawaa oo lagu eedeyay in uu ilaaladii ka kaxeystay Xildhibaano ka tirsan BFS

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya in toodii ilaalo ahaanta u watay Askarta ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa laga ka xeystay, kuwaas oo intooda badan looga yeeray taliska Militariga Soomaaliya ee Villa Baydhabo.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ayaa KNN u sheegay in mudo ka badan todobaad ay heysn wax ilaalo ah, ammaankooduna uu khatar ku jiro.

Shalay ayaa waxaa xarunta Villa Baydhabo tagay Seneterro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka, kuwaas markii bambe lagu war galiyay in aan loo fasixi doonin askartooda, iyadoo askartiina lagu amray in aysan xerada ka bixin.

Senetor Nuuro Faarax Jaamac oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadashay KNN ayaa sheegtay in amarka lugu xareeyay askartii ilaalada ama istaafka u eheed iyada iyo xildhibaanada kale ee ka tirsan baarlamaanka uu kasoo baxay taliyaha xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.

Halkaan ka dhagayso wareysi ay siisay KNN Xildhibaan Nuuro:-