Somali News

Xildhibaano maanta mooshin hor geeyay fadhigii Baarlamaanka Somaliland.

Hargeysa-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta la horgeeyay mooshin ay ku saxiixnaayeen 18 Xildhibaan oo dalbanaya in wax laga badalo xeerka ay ku dhisanyihiin guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa saluug ka qaba qodob ka mid ah heshiiskii ay hogaamiyeyaasha xisbiyadu ka gaareen khilaafkii doorashooyinka Somaliland, kaas oo sheegaya in xubno dheeraad ah lagu daro guddida doorashooyinka.

Wararka laga helayo xildhibaanada mooshinkan saxeexay ayaa sheegaya inay u badan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaas oo ku leh mudanayaal tiradoodu gaarayso 16 Xildhibaan halka labo ka mid ahna ay ka socdaan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.