Somali News

Xilibaanada mucaaradka Venezuela oo shaqadoodii dib u bilaabaya.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay in qayb ahaan laga heshiiyay in xilibaanada mucaaradka ay dib ugusoo laabtaan kalfadhiga guud ee Baarlamanaaka dalkaasi.

“Aan horay u wadno wadahadalka” ayuu Maduro sheegay kadib labo sano oo ay ka maqnaayeen aqalka ay mucaaradku maamulaan, isagoona sheegay in wali hee’adaasi ay mamnuuc tahay.

Madaxwayne Maduro ayaa intaasi raaciyay in qorshaha dib loogu soo celinayo xilibaanada mucaaradka ay qayb ka tahay dadaalada lagu gaaray miiska wadahadalka. 

Labo sano kadib markii ay mucaaradku ku guulaysteen aglabiyada kulan waynaha guud sanadkii 2015’kii, ayaa Maxkamada Sare ee dalkaasi ka hormatimid.

Todobaadkii lasoo dhaafayna sharci dajiyaasha laga tirada badan yahay ayaa bilaabay in wadaxaajood lagalaan dowladda Maduro, iyadoona wadahadalada ay qayb ka yihiin axsaabta mucaaradka ee uu hogaamiyo Juan Guaido.