Somali News

Xilli roobaadka deyrta oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka

Muqdisho-KNN-Xilli roobaadka Deyrta ee sanadkaan, ayaa ka bilowday qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada waqooyi bari ee uu ka arimiyo maamulka Puntand, waxaana qeybo kamid ah gobolada maamulkaas ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duuyada.

Saadaasha roobka ayaa sheegtay in seddaxda maalmood ee nasoo aadan ay muujineyso in roobab ay ka da’ayaan gobolo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag, sidoo kale gobolada waqooyi ee Somaliland, halkaas oo la filayo in ay ka da’aan roobabka ugu soo horeeya deyrtaan.

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaala sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay isagana qeybo ka tirsan ka da’een roobab lagu diirsaday.

Ugu dambeyntii saadaasha ayaa digniin ka bixisay in fatahaad uu sameeyo webiga Shabeelle qeybaha uu ka maro magaalooyinka  Mahadaay, Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabellada dhexe, halkaas oo la sheegay in wabigu uu meelo badan ka furanyahay.