Muqdisho-KNN-Xisbiga mucaaradka midigta dhexe ee dalka Greece ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee ee maalinnimadii shalay kadhacaday dalkaasi.
Waxaa latiriyay intabadan codadkii laga soo aruuriyay degmooyinka kala duwan ee doorashadu kadhacaysay.
Ra’iisul Wasaaraha xafiiska sii baneenaya ee dalka Greece ayaa qirtay in looga guulaystay doorashadii maalinnimadii Axadda kadhacday dalkaasi.
Xisbiga mucaaradka ee New Democracy ayaa illaa iyo haatan helay codad gaaraya 39.85% halka xisbiga muxaafadka ahna uu kaalinta labaad ku galay codad gaaraya 31.53%.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo gudoomiyaha gudiga midowga yurub ee xilka sii baneenaya ayaa u hambalyeeyay Ra’iisuul Wasaaraha cusub.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Greece ayaa mar uu taageerayaashiisa lahadlayay sheegay in uu isbadal wanaagsan ku samayn doonaan siyaasada iyo dhaqaalaha dalka Greece.