Somali News

Xisbiga NLD oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Myanmar

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta  lagu dhawaaqay doorashada madaxtinimo ee Myanmar cidda ku guuleystay.

Xisbiga ay hoggaamineyso haweenayda Aung Suu Kyi ayaa mar kale ku guuleystay doorashada sanadkaan ka dhacday Myanmar.

Xisbigan oo NLD la yidhaahdo ayaa waxa uu helay 322 cod, taas oo ah codadkii ugu badnaa marka loo eego tirade Baarlamaanka dalkaasi oo ah 346 xildhibaan.

Xisbiga Aung Suu ayaa hadda waxa uu awood buuxda u yeelanayaa in uu soo dhiso Xukuumad awood u leh in ay hoggaamiso guud ahaanba dalka.

Haweenaydan ayaa waxaa lagu eedeeyaa gabood fallo ay u gaysto Muslimiinta Myamar , iyo sidoo kale falal ka dhan ah Xuquuqul Aadanaha oo ay dalkaasi ka gaysatay mudadii ay maamulaysay.

Xisbiga ayaa horay u qabay kalsooni ah inuu guuleysan doono, ugu dambeynna waa uu guuleystay, waxaana durbaba bilaaay siyaasiyiin iyo dawladaha jaarka la ah madaxdooda in ay u hambalyeeyaan guusha uu gaadhay haweenaydan Xisbigeeda.