Somali News

Xisbiga Sheekh Shariif oo digniin u diray dowladda Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Xisbiga madaxweynihii hore ee soomaaliya ee Himilo qaran Sheekha Shariif sheikh Axmed ayaa si kulul uga hadlay xayiradii la saaray diyaarad uu la socday madaxweynihii hore ee soomaaliya  sheekh shariif sheekh Axmed iyo masuuliyiin kale  oo ka tirsan labada gole ee dowlada soomaaliya, kuwaaa oo ku sii jeeday magaalada kismaayo si ay halkaasi uga qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha Jubbland.

Xisbiga ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin wixii maalinti shalay aheed ka dhaacy garoonka aadan cabdulle cismaan aadan cade ee diyaarad  siday sh shariif  iyo shacab kale oo reer jubbland ah loo diiday in ay kismaayo tagaaan

Sida la og yahay dalka waxaa uu ku jiraa marxalad soo kabasho dib u dhiska dowladnimada iyo isu keenida bulshadii colaaduhu kala irdheeyeen, laguna heshiiyay dastuur KMG ah oo damaanad qaadaya xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Xisbiga ayaa uga digay dowladda Federaalka faragelinta ay ku heyso dowlad goboleedyada iyo ku tagri falka awoodeed.

Ugu dambeyn waxaa loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka inay ka waantoobaan jebinta dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaana ay caddeynayaan in wixii hadda ka dambeeya aan loogu dulqaadan doonin inay si bareer ugu tuntaan sharciga dalka u yaalla.