Somali News

Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheikh oo war ka soo saaray khilaafka Dowladda dhexe iyo Galmudug


Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka, ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu yiri, “Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu si dhow ula socdey xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

“Ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in Waajib Qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay xisbiga.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka oo dhameys tiran;-