Somali News

Xisbiga Wadajir oo si adag u dhaleeceeyay khudbadii madaxweyne Farmaajo

Muqdisho-KNN-Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed uu goor dhaw soo saaray ku sheegay in Xisbigu uu si weyn uga niyad jabay, khubadii madaxweyne Farmaajo uu maalin ka hor ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu dayacay fursadiisii ugu dambeeysay ee uu kula hadli lahaa labada gole ee baarlamaanka fedeaalka Soomaaliya, isla markaana uusanba khudbadiisii uga hadlin, wax ka turjumaya wacyiga siyaasadda dalka oo haatan mareysa mar-xalad kala guur ah.

“Iyadoo lix bilood ay ka harsantahay mudo xileedka baarlamaanka dalka, ayuu madaxweynuhu isagoo ku xadgudbaya garaadka muwaadinka Soomaaliyeed, waxuu sheegay in dowladdiisu ay mudadaas gudaheeda dalka ku qabaneyso doorasho qof iyo cod ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan oo dhameystiran