Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa si kulul kaga hadlay amni darada muqdisho iyo gadoodka ciidamada xoogga dalka ee la xiriira mushaar la’aanta, maadaama maalmihii dambe ay cabanayeen ciidanka.
War-Saxaafadeed ay soo saareen Xisbiyada kala ah Midnimo Qaran, Ileys , Wadajir, iyo Midowga nabadda iyo horumarka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in uu noqday mid aad u liita,iyaga oo Xukuumadda ku eedeeyey in aysan la imaan qorsho amni, kaasi oo wax looga qaban karo amni xumida ka jirta dalka.
Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in ay jirto wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Ugu dambeyn xisbiyada ayaa waxaa ay ka hadlay Ciidamadii dhawaan ka soo baxay furumaha dagaalka ee ka cabanayay mushaar la’aanta waxaana ay sheegen in ciidamada ay mudan yihiin xushmad iyo inay helaan xaquuqdooda.
Halkan ka Akhriso
