Somali News

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo soo saaray go’aan

Maanta oo sabti ah Xisbiyada Mucaaradka  ee Somaliland ayaa qorsheenayay inay dhigaan dibadbaxyo ay ku dalbanayaan doorashada madaxweynaha, hasa ahaatee war kasoo baxay ayey ku sheegeen in ay dib u dhigeen dibadbaxa weyn, kadib markii la kala dhexgalay xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Muuse Biixi iyo xubnaha Xisbiyada Mucaaradka.

Kulan dhexmaray Guddi isxilqaamay oo dhex dhexaan ka wada dhinacyada ayaa ku guuleystay shalay inay Xukuumadda Somaliland ay xabsiga ka siideyso xubno mucaaradka ka mid ah oo lagu xiray Magaalada Hargeysa waxaana ka mid ah xubnaha dib xurriyadooda u helay Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga Wadani  Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay kadib markii codsi uu ugu yimid Odayaasha dhaqanka ee Somaliland, kuwaas oo dhexdhexaan bilaabay.

“Inta muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada.”ayuu yiri gudoomuiye Xirsi.

Dhankiisa Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in uu taageersan yahay guddiga isxilqaamay ee dhexdhexaadinta wadda.

“Annagoo dhawraynaya Ballankii aanu la galnay Guddidii Is xilqaantay, waanu hakinnay Mudaharaadkii Sabtida aanu iclaaminnay..,” waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe.

Somaliland waxaa ka dhacay dibadbaxyo intii uu taagnaa muranka doorashada madaxtinimo, waxaana qaarkood dibadbaxa ay horkacayeen qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka is hor istaag ku sameeyay Ciidamada ammaanka ee Booliiska kuwaas oo dibadbaxayaasha ku furay rasaas aan loo meel dayin, iyadoo uu ka dhashay dhaawac soo gaaray dadweynihii banaanbaxayay qaarkood iyo Xildhibaan Barkhad Batuun oo isna ka mid Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland.