Somali News

Xog laga helay tirada askarta ciidamada AMISOM loogu dilay Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Ciidamada midowga afrika ee Amisom ee ku dhintay dagaalka ay gudaha Soomaaliya kula jiraan dagaalamayaasha al-Shabaab ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ay ku dhaw yihiin 2,000 oo askari.

Xog cusub uu soo aruuriyay qabiir u dhashay dalka Mareykanka si dhawna u darsa dagaalka lagula jiro al-Shabaab ayaa tirada askarta Amisom ka dhimatay gaarsiisay 1,800 oo askari.

Baarista Paul Williams oo uu dhinacyo badan ka eegay ayaa haddana illaha ugu muhiimsan ee uu xog u ruurintan ka sameeyay waxa ay tahay lacagaha magdhawga ah ee uu Midowga Afrika siiyay eheladii askartooda ku dhinteen dagaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007’dii.

Lacagta uu Midowga Afrika makdhaw ahaanta u bixiyay intii u dhaxeesay sanadihii 2014’kii illaa 2018’kii ayuu Midowgu ku sheegay in ay gaareeso $74.6 milyan taas oo lasiiyay ehalada ay ciidamadu ka dhinteen iyo kuwa ay ka dhaawacmeen.

Prof Williams oo sidoo kale sanadkii 2015’kii qoray buug uu ugu magacdaray “Udagaalanka Nabadda Sooaaliya” ayaa sheegay in xogta uu baahiyay machadka darsa Nabadda Caalamka fadhigiisuna yahay magaaladda New York aysan ku jirin tirada ka dhimatay wadamo kale oo ciidamo ku tabarucay Amisom sida Kenya.

Qiyaastan ayaa lasameeyay intii u dhaxeesay bishii March sanadkii 2007’dii ilaa bishii December sanadkii hore 2018. Intaasi intii u dhaxeesay ayaa lagu sheegay in tirada Amisom ka dhimatay ay u dhaxeeso 1,483 illaa 1,884 askari.

Qoraaga daraasadan Prof Williams kana tirsan jaamacadda George Washington University ayaana qaba in tirada intaasi ka yaraan karto kana badan karto.

Sidoo kale xog aruurintan sheegayso tirada dhimasho ee ciidamada Amisom ayaanan ku jirin inta askari ee Amisom ka dhimatay tan iyo horaanti sanadkan.

Prof Williams ayaa ku doodaya in aysan macquul ahayn in wadamadan Amisom ugu deeqay ciidamada ay shaciyaan tirada ciidan ee uga geeriyootay gudaha Soomaiya isagoona arintaasi ku tilmaamay in ay tahay siyaasad aanan wanaagsaneen.