Garowe-KNN-Maxkamadda Sare ee dowlad goboleedka Puntland oo go’aan ka soo saartay kiiska xildhibaanadii sideeda ahaa ee xasaanada laga qaaday, waxayna sharci ka dhigtay go’aankii baarlamaanka Puntland ee xasaanad ka xayuubinta ahaa.
Shan garsoore oo lahaa go’aanka dacwadda xildhibaanadaas oo la hor-geeyey Maxkamadda Sare ayaa afar ka mid ah waxay isku raaceen inay sharci tahay xasaanad ka qaadistaas, waxaana diiday hal garsoore.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa KNN u sheegay in Maxkamadda Sare ee Puntland ay maanta shaaci doonto go’aankaan oo la gaaray xalay, kadib markii Sabtidii shalay ay maxkamaddu dhagaysatay garmaqalka kiiska xildhibaanada.
Waxaa xusid mudan in xubnaha barlamaanka Putland ee taageersanaa xasaanad ka xayuubinta xildhibaanadaas ay isku dayeen in kiiskan aan loo gudbin maxkamadda sare ee sidiisa lagu dhaqan geliyo, balse ugu dambeyn Sabtidii shalay ayey dhageysatay maxkamaddu maanta ayaana la filayaa inay ku dhawaaqdo go’aankeeda.


