Somali News

XOG-Maxaa sababay in laamaha amniga ka hortagi waayaan qaraxyada batay ee Muqdisho?

Bilihii la soo dhaafay waxaa kordhay weerarada qaraxyada ah ee Shabaab ka fulinayaan Muqdisho iyo deegaanada u dhaw ilaa ay gaartay in la dilay boqolaal shacab ah, Taliyihii Booliska Banaadir lana dhaawacay talihii NISA ee Banaadir ee labaduba ahaa kuwa ugu sareeya hey’adaha amniga Muqdisho waxaana sidoo kale la dilay saraakiil uu kamid yahay taliyaha saldhigga Hodan kuwa kalana waa dhaawac.

Dadka arimaha amniga sida dhaw u taxliiliya ayaa qaba in ay jiraan dul duleelooyin u baahan in banaanka la keeno kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay horseedeen fashilka amni ee Muqdisho, iyo qaraxyada dhacay ee lagu guul dareystay kahortagooda.

Taxliiliyaasha ayaa rumeysan in wada shaqeyn la’aan baahsan oo hey’adaha amniga ah ay tahay sababta ugu weyn ee dayaca shacabka ku dhacay ay horseeday waxaase jirta arin kale oo dad badan aysan la socon.

“Xiligii Farmaajo iyo Fahad waxaa jiray sarkaal awood badan u lahaa helitaanka xogta argagixisada islamarkaana fashilin jiray kaasi oo leh magacyo badan dad badanse u yaqaanaan Abdullahi Dheere” ayuu yiri Col Cali oo kamid ah saraakiishii hore ee sirdoonka Soomaaliya.

Waxaa kale oo la tilmaamay in Korneel Cabduahi Dheere oo sidoo kale loo yaqaan magacyo ay kamid yihiin Abdalla Daahir, Ugaas Abdalla, Maxamuud Dheere, Fu’ad Ahmed, Danjire iyo kuwo kale uu waqtigii dowladii hore sabab u ahaa in ay arimaha amniga ka jiiftaan Farmaajo iyo Fahad isagoo sirta Shabaab soo heli jiray kuna guuleystay inuu xiligaas fashiliyo weeraro qaraxyo ahaa oo badan, balse hadda aan laga faa’ideysan.

Ma cadda in ay sababtu tahay in Farmaajo iyo Fahad ay sirta kaga wanaagsan yihiin Xasan iyo Mahad balse waxaa la sheegay in Abdullahi Dheere uu saluugsan yahay sida xogaha amni lagula wadaagi karo taliyaha NISA Mahad Salaad, inkasta oo uu la dhacsan yahay hanaanka maamul ee Xasan Shiikh iyo Xamse sida ilo wareedyo laga soo xigtay.

Sarkaalkan la hadal hayo ayaa waxaa adeer u ah Xamse Abdi Bare iyadoo uu abtigii yahay horjoogihii hore ee Shabaab Axmed Godane.

Weerarki labaad ee ugu weynaa ee Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya kadib kii 14-ki October 2017 ayaa dhacay 29- October 2022, waxaana ku dhintay dad ka badan 150 qof halka uu dhaawacuna ka badan yahay 300 sida uu sheegay M/W Xasan Shiikh oo tagay goobta qaraxyadu ka dhaceen.

Sadexdii bilood ee la soo dhaafay dalka ayaa galay marxalad dagaal balse waxaa muuqata in wali habac badan uu ka jiro dhanka amniga waxaana muujinaya sida weerarkii Hotel xayaat u qaatay 24-saac, sidoo kalana ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof,

Guud ahaan dalka weerarada ay Shabaab ka fuliyeen gobolada bartamaha iyo Koofurta waxaa shantii bil ee la soo dhaafay ku dhintay dad ka badan lix boqol oo qof waana Hiiraan, Jubada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir kaliya.

Dadka ka faalooda arimaha amaanka ayaa qaba in Alshabaab keliya looga adkaan karo dhanka sirdoonka maadaama ay u shaqeeyaan hab qarsoon, waxa kaliya ee lagula fal gali karana ay tahay cid soo saarta dhagarta u qarsoon.

Isbedel xagga sirdoonka iyo booliska ah waa lama huraan sida muuqata waxaana loogu baahi badan yahay saraakiil awood u hel helitaanka xogta argagixisada si looga hortago weeraradooda.