Muqdisho-KNN-Sarkaal sare oo ka socda Dowladda Mareeykanka ayaa waxaa uu wadahadallo layeeshay Dhaxal sugaha Boqortooyadda Sucuudiga, iyada oo ay jirto caro soo kordheeysa oo ka dhalatay Suxufigii la dilay Jamal Khashoggi.
Xoghayaha Lacagta Mareeykanka Steven Mnuchin ayaa waxaa uu la kulmay Maxamed Bin salmaan isniintii, sida ay Warisay BBC-du.
Sarakiisha Turkiga ee ku mashquulsan Baaritan Wariyaha la dilay ayaa sheegay in Jamaal 2dii Bishaan lagu dilay Qunsuliyadda sucuudiga ee Istanbuul.
Xukuumadda Riyaad ayaa geerida Wariyaha kasheegtay Warar isdiidan. Hadana waxay dilkiisa ku eedeyneeysa Howlgal khalad ah.
Madaxweeynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogaan ayaa waxaa uu sheegay in uu shaaca ka qaadi doono runta qaawan oo uu arrinta baarlamaanka u sharixi doono.


