Somali News

Xoghayaha Ururka OIC Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Ergeyga Soomaaliya

Xoghaya Guud ee ururka Iskaashiga wadaada Islaamka OIC, Xuseen Ibraahim Taah ayaa warqadaha aqoonsiga danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday Ururkaasi, Ibraahin Aadan Muuse.

Ergeyga cusub ayaa Xoghaya Ururka Ishaakashiga wadamada Islaamka kala hadlay xiriirka labada dhinac iyo kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay Ururka.

Ergeyga Dowladda Federaalka ayaa uka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay, isaga oo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii, waxaana xubin ka ah 57 dal oo islaam ah .