KNN-Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka Donald Trump ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah.
Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xog-hayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka
Sidoo kale waxaa uu xilka CIA-da uu u magacaabay Gina Haspel oo noqon doonta Haweeneydii u horeysay ee xilka CIA loo magacaabo.
Xil ka qaadista Mr Rex Tillerson ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo dhowaan uu soo gabagabeeyay booqasho uu ku kala bixinayay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.
Waxaa jiray warar sheegaya inay jireen kala aragti duwanaansho Rex Tillerson iyo Aqalka Cad, iyadoo Mareykanku uu wajahayo xaalad sugnaansho la’aan la xiriirta siyaasaddiisa arrimaha dibedda, gaar ahaan dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.